Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay sabab yaab leh oo ciidanka qaranka ay uga baxeen Raaskambooni

Recommended Posts

Deeq A.   
xoogga-dalka.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Raaskambooni (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay uga hadashay sababtii ciidanka qaranka maanta loogu jebiyey dagaalka Raaskambooni, iyadoo cadeysay in dagaalka ciidamada Jubbaland aan loo bareerin.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga oo warbaahinta dowladda lagu baahiyey ayaa lagu cadeeyey in Axmed Madoobe soo abaabulay weerarkaas, isla markaana lagu soo duulay ciidankii qaranka ee ATMIS kala wareegay xeryaha ay baneeyeen.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamada Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada Hoose in ay kala wareegaan ATMIS in ay halkaas dib uga baxaan,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Dowladda ayaa Axmed Madoobe ku eedeysay in go’aan uu ku gaaray in ciidamada uu isku laayo, halka dowladdu ay dhiigga askarta labada dhinacba ku sifeysay mid qiimo badan.

“Tallaabada Dawladda ayaa timid ka gadaal markii uu go’aansaday eedaysane Axmed Madoobe in uu isku hallaago Wiilal Soomaaliyeed oo dhiigoodu uu qiimo badan leeyahay,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga.

Dowladda Federaalka ayaa cadeysay in ciidanka laga qabsaday Raaskambooni aysan amar u heysan in ay la dagaalamaan cid aan aheyn Khawaarijta Al-Shabaab.

“Ciidamada Xoogga Dalka ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta, waxaana ka go’an in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka caawa ka soo baxay dowladda.

Caawa Raaskambooni waxaa jooga ciidamada Jubbaland oo ku qabsaday dagaal qaraar oo saakay soo bilowday, kadib markii ay ciidanka qaranka ku weerareen saldhigyadooda.

Dagaalkii bilowday saakay ayaa joogsaday gabal-dhicii, waxaana ciidamada Jubbaland u suurtagashay inay magaalada qabsadaan, dhanka xuduuda Kenya ayey u ruuqaansadeen ciidamadii dowladda federaalka ay diyaaradaha ku geysay Raaskambooni.

Dowladda ayaa saakay Axmed Madoobe ku eedeysay inuu xiriir la sameystay Al-Shabaab oo ciidankiisa ay soo dhexmareen Khawaarijta si ay u gaaraan Raaskambooni oo weerar ay ku ekeeyeen, halka Jubbaland ay dowladda ku eedeysay in ciidankeeda loo adeegsatay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee ciidanka xoogga dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this