Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinno ka soo baxaya Iska hor-imaad  ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ku dhex maray gobolka Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in dagaal u dhaxeeya Ciidanka dawladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland uu saaka ka qarxay deegaan u dhexeeya magaalooyinka Buurgaabo iyo Raas-kaambooni.

Dagaalkan oo labada dhinacba ay guulo ka sheegteen ayaa laga haynin ilo madax-bannaan oo xaqiijinaya sida ay wax u dheceen maadaama aaggaas ay isgaartiintu ka go’antahay.

Xiisadda u dhexaysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay cirka isku shareertay, ka dibna markii madaxweynaha dowlad goboleedkaasi uu mar kale ku soo baxay doorasho muran badan dhalisay, dowladdu ay ciidamo geysay deegaanka Raas-kaambooni.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this