Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Kuma Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha la magacaabay ee maamulka gobolka Benaadir mudane Maxamed Axmed Amiir, waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Deyniile, waxaana uu waxbarshadiisa hoose ilaa heer jaamaceed ku qaatay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Amiir jaamacadaha dunida qaarkood ayuu wax ka soo bartay, wuxuuna shahaadooyin kala duwan ka haystaa Culuumta Islaamka, Diblomaasiyadda iyo Siyaasadda, Maamulka iyo Maareynta oo uu ka qaatay Jaamacadaha  SOAS, University of London,  Dugsiga Dhaqaalaha ee Jaamacadda Moosko, Jaamacadda Yale iyo
Universiteit Leiden ee dalka Holland.

Maxamed Amiir waxaa uu leeyahay waaya-aragnimo  dhanka Maamulka iyo Maareynta, iyo amniga iyo siyaasadda ah, Waxaa uu ka soo shaqeeyey wasaaradda Maaliyadda muddo laba jeer ah intii u dhexaysay sanadihii 1986-1990, iyo mar kale oo uu ka noqday khabiir la taliye sare ah ee hagaajinta maamulka maaliyadda iyo fadhisinta hannaanka dowlad wanagga 2010 ilaa 2012.

Duqqa Cusub ee Muqdisho Sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyey Barnaamijka MIDA/TIS ee ay  maalgelineysay dowladda  Mareykanka hay’addeeda  kaalmada dibadda ee USAID, laguna taageerayey dowladda Soomaaliya.

Mudane Amiir waxaa in muddo ahba ku noolaa Dalka Ingriiska oo uu ku lahaa Xafiis kala talaiya hay’adaha gaarka ah dhinaca kordhinta dakhliga iyo hagaajinta maamulka iyo maareynta.
Sidoo kale, guddoomiyaha cusub waxaa uu leeyahay  waayo-aragnimo  dhicana la talinta  shirkadaha ah iyo madaxda dalka waxaanu la taliye u soo noqday Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo uu kala talinayey hay’addii uu Golaha Ammaanka abuuray ee (Somali-Erateriya Monitoring Group) Sidoo kale waxaa uu la taliye u noqday USAID.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this