Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka degay Turkiga, warna ka soo saaray la kulanka Abiy Axmed

Recommended Posts

Deeq A.   
2ad806d7-eaf1-419a-b0ad-653112205332-sca

Ankara (Caasimada Online) –Madaxwaynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa
Ankara u yimid ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay jirataanka kulanka Ankara ee Xasan iyo Abiy, waxayna sheegeen in Ethiopia ay codsatay kulanka, Madaxweynaha Soomaaliya-na uu aqabalay.

Kulankan oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Ankara Arbacada berri ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay labada masuul yeeshaan, tan iyo markii Itoobiya ay cadeysayay damaceeda oo heshiiskii badda ay la gashay Muuse Biixi 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan sii dhamaanaya.

Heshiiskaas ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku tilmaantay mid sharci darro ah oo ku xad gudbaya madax-banaanideeda, qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa sii xumaanayay muranka labada waddan ka dhaxeeya, kulanka berri dhacaya ayaa noqonaya kii 3-aad, lamana saadaali karo natiijada.
2ad806d7-eaf1-419a-b0ad-653112205332-sca 9675028b-c72b-46ce-b6bd-c140382fc090-sca 84e765b1-cb88-43b3-a444-d632b430df20-sca b6ea5cbb-5541-40ca-b6b2-79cb5d686ebf-sca ffaa8b9c-a69c-42c3-a120-7a3b61423d49-sca

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this