Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Danab ee qeybta deegaanada Jubbaland oo shaqada laga eryay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidanka Danab ee deegaanada Jubbaland, Carab Dheeg Axmed. Waxaa lagu bedelay nin lagu magacaabo Caarif Hire Salaad.

Ninkaan ayaa dhawaan eedeymo u soo jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Taliyaha ayaa sheegay in ururkooda aysan helin wax dalacsiin ah.

Balse wuxuu taageero u muujiyay Madaxweynaha Jubbaland ee is doortay.

Taliyaha oo qoraal soo saaray ayaa yiri: “Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/12/2024 waxaa la iga qaaday xilkii aan u hayay dalka, diinta, iyo dadka Soomaaliyeed, kaasoo markii horeba dowladdu ii idmatay oo aan soo hayay mudo 4 sano iyo 6 bilood ah.”
Xilka qaadista ninkaan ayaa timid xilli dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si adag uga hortimid doorashadii ka dhacday dhawaan Jubbaland.

Sidoo sidoo kale Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa boqolaal askari geysay deegaanada Jubbaland.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this