Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogow waxyaabaha mamnuuca ka ah ciidamada qalabka sida

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo ay muwaadiniin yihiin, haddana ciidamadu way ka duwanyihiin dadweynaha iyo xittaa shaqaalaha kale ee dowladda, waxaana saaran masuuliyad ballaaran iyo xil gudashadiisu ay hab-dhaqan gaar ah u baahantahay.

ku kicidda fal kasta oo sharciga iyo waajibaadka ciidanka ka baxsan ayaa keeni karta halis baaxad leh, si darteed waxaa jira qodobo ka reeban ciidamada qalabka sida oo aan la oggolayn inay fara-gashadaan haddii aan laga maarmi waayin.

Qodobadaas waxaa kamid ah isticmaalka maan-dooriyaha, bixinta ama dusinta xogaha qarsoodiga ah ee la xariira qorsheyaasha ciidanka ama sirta guud ee qaranka, ku lugleelashada dhaqdhaaqyo siyaasadeed oo aanay fasax u haysan, ka tagidda howl loo igmaday fasax la’aan, ku tashkiilinta iyo abaabulka waxyaabo mabaadii’dooda iyo sharciga guud ka hor imaanaya, iyo jabinta ama ka dhaga-adayga amarrada la siinayo.

Inkastoo dal walba ciidankiisu ay leeyihiin mabaadii’ iyo hab-dhaqan gaar ah oo looga baahanyahay, haddana qodobadani waa kuwo anshaxa guud ee ciidamada dunidoo dhan lagama maarmaan u ah, loona dejiyay si loo yareeyo xadgudubyada iyo falalka guracan ee ka dhalan kara haddii askartu ay sameeyaan wax ka baxsan shaqadooda.

Si kastaba ha ahaatee ciidanku waa cududda ilaalisa madax-bannaanida, nabadda iyo sharciga qaran walba, waxaana looga baahanyahay inaysan u dhaqmin sida dadka aan xilku saarnayn ee noloshooda siday doonaan ugu mardaadinaya, ayagoo aan xeer iyo anshax gaar ah ka baqayn, markii laga reebo diinta iyo shatciga guud.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this