Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay la-dagaallanka argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha UK Soomaaliya, Michael Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo danaha guud ee labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka argagixisada iyo doorashooyinka dadweynaha dib loogu celinayo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan hoggaankooda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaaggay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa.

Danjire, Michael, ayaa dhankiisa sheegay in dowladda UK ay taageereyso siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo in ciidanka Soomaaliya la wareegaan guud ahaan amniga Qaranka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this