Deeq A. Posted December 10 Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu, kulankaasi oo ka dhacay xafiiskiisa. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale dardar gelinta wada shaqeynta baarlamaanadda labada waddan. Inta uu kulanka socday, waxaana sidoo kale guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu safiirka kala hadlay sidii dowladda Shiinaha ay baarlamaanka Soomaaliya uga caawin laheyd dhammeystirka dhismaha iyo qalabeynta xarunta baarlamaanka federaalka. Sidoo kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa dowladda Shiinaha iyo shacabkeeda uga mahadceliyay taageerada ay Soomaaliya siiyaan, waxaa uuna tilmaamay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan ku dhisan. Dhankiisa Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya uu mudo aad u dheer soo jiray hadana uu meel wanaagsan marayo waxaa uuna balan qaaday inuu sii dardargelin doono xoojinta xiriirka labada dal. Labada mas’uul ayaa sidoo kale booqday halka uu ka socdo dhisamaha xarunta cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, iyaga oo kormeer wadajir ah kusoo sameeyay. Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada xooggan siiya dowladda federaalka, wuxuuna ka caawiyaa dhinacyo dhowr ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bani’aadanimada ee ka jira dalka. Share this post Link to post Share on other sites