Deeq A. Posted December 9 Muxammad Al-Bashiir ayaa noqday Ra’iisul Wasaaraha kumeel-gaar ah ee Suuriya, isagoo laga filayo inuu soo dhiso dawlad cusub oo maareysa marxaladda kumeel-gaarka ah ee Suuriya. Tallaabadan ayaa timid kadib markii nidaamkii hore ee Bashaar Al-Assad laga tuuray xukunka, oo dhaqdhaqaaqa mucaaradka ay si rasmi ah ula wareegeen maamulka dalka. Taariikhda Muxammad Al-Bashiir Muxammad Al-Bashiir waxa uu ku dhashay Jabal Zawiya oo ku taalla gobolka Idlib sannadkii 1983. Wuxuu ka qalin-jabiyay Jaamacadda Xalab sannadkii 2007, halkaas oo uu ka bartay injineernimada dhinaca korontada. Kadib waxbarashadiisa, Al-Bashiir waxa uu sannadkii 2011 noqday madaxa qaybta qalabka gaasta ee shirkadda Gaaska Suuriya, isagoo xirfadihiisa shaqo si wanaagsan uga dhex muuqday. Doorkiisa Siyaasadeed Bishii Janaayo 13, 2024, Al-Bashiir waxaa magaalada Idlib loogu doortay Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Badbaadada Suuriya (SSG), taas oo loo aasaasay inay maamusho Idlib iyo waqooyiga Suuriya. Wuxuu isla markiiba dhisay gole wasiirro iyo hay’ado kale oo dawladdu ku shaqeyso. Al-Bashiir waxa uu xiriir dhow la leeyahay kooxda Hayʼat Tahrir al-Sham, oo hoggaamisay kacdoonka militariga ee xukunka looga tuuray Bashaar Al-Assad. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites