Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf heads to AUmeeing in Gambia

Recommended Posts

Nairobi: Madaxwaynaha Soomaaliya oo kusugan Nairobi ayaa Gambia kusoo bandhigi doona arimaha ciidamada .

Tuesday, June 27, 2006

 

 

Nairobi(AllPuntland)- Madaxwaynaha DFKG Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed oo maanta ka amba baxay magaalada Baydhabo ayaa kusugan dalka Kenya asagoo kaga sii gudbi doona shirka Afrika ee ka dhacaya dalka Gambia.

 

Dalka Gambiya waxaa bisha July ee maalmaha ka harsan yihiin ka dhacaya kulan ay yeelan doonaan wadamada Afirka oo looga xaajoon doono danaha Afrika.

 

Ajandayaasha koowaad ee shirka waxaa kamid ah arinta Soomaaliya gaar ahaan qorshaha lagu keenayo ciidamada shisheeye dalka Soomaaliya.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya qudbadda uu ka jeedin doono kulanka Afrika ayaa la sheegay inuu kusoo dari doono codsi ku aaddan in la da dajiyo arinta ciidamada la keenayo Soomaaliya.

 

Dhowr goor ayay dawladda Federaalka ku celisay in ciidamo la keeno dalka Soomaaliya , hase ahaatee wali beesha caalamka iskuma aysan raacin in ciidamo la geeyo Soomaaliya.

 

Dhinaca maxkamadaha Islaamiga oo dhawaan ay heshiis horudhac ah gaareen dawladda ayaa si cad uga soo horjeeda in ciidamo la keeno gudaha Soomaaliya .

 

Sheekh Shariif oo kamid ah madaxda maxkamadaha ayaa midowga Afrika shirkooda ka furmaya Gambiya fariin uu u diray ugu sheegay inaysan ciidamo keenin Soomaaliya.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this