Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweyne muhiim ah oo ka furmay Dhuusamareeb + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
469596649_582595251247691_89787405075243

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta ka furmay Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), waxaana shirka furay madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Md. Cali Daahir Ciid.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ah wakiilo ka ka socday Dowladda Federaalka, Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, Gobolka Galgaduud, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee ka jira gudaha Soomaaliya, maadaama ay jiraan daruufo adag oo nololeed.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin oo madasha ka hadlay ayaa ugu horeyntii ka qayb-galayaasha ku soo dhaweeyay shirweynahan  oo saddexdii biloodba mar qabsooma.

Maxamuud Macallin ayaa si kooban kaga war-bixiyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka isagoo xusay sida ay lama-huraan u tahay in shirkaan muhiimka ah ay ka soo baxaan qodobbo wax-ku-ool ah.

“Waxaan ka wada-hadli doonnaa xaaladda hadda jirta ee ku aaddan dhibaatada bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaan xaladda La Nina iyo saameynta taban ee la filaayo inay ku yeelato dalkeenna sanadka foodda nagu soo haya ee 2025. Hadafkeenna ayaa ah mideynta dadaalkeena si aan si fir fircoon ugu taageerno dadka ay dhibaata abaartu saameyn karto. Waxaan diiradda saari doonnaa baahiyaha iyo jawaabaha bani’aadannimo ee 2025 (HNRP)” ayuu yiri guddoomiyaha Hay’adda SoDMA.

Madasha ayaa isu keentay daneeyayaasha muhiimka ah si wax looga qabto caqabadaha bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.

468917290_582595124581037_24949543256777 469550182_582591977914685_17140232746879 469559211_582609931246223_40192498953332 469596649_582595251247691_89787405075243 469835647_582595127914370_53645416516615

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this