Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad dagaal oo ka taagan Ceerigaabo iyo inta badan shacabkii oo ka baxay magaalada

Recommended Posts

Deeq A.   
1733730538913.jpg?resize=720%2C479&ssl=1

Xiisad dagaal ayaa mar kale ka taagan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaaag kadib dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xalay laga dareemay magaalada.

Ciidamo ka tirsan labada dhinac ee Somaliland iyo SSC-khaatumo oo ku kala sugan xaafadaha waqooyiga iyo koonfurta Ceerigaabo ayaa saaka samaynaya dhaq dhaqaaqyo sida ay sheegayaan goob-joogayaal.

Inta badan shacabkii ku noolaa labada dhinac ee magaalada Ceerigaabo ayaa dhawaanahan isaga baxayay kadib markii ay soo wajahday cabsi dagaal waxaana guul-darraystay isku dayo lagu doonayay in waan-waan lagu dhammeeyo xiisadda.

Xiisadda Ceerigaabo ayaa timid kaddib markii ciidamada Somaliland dad rayid ah ku dileen weerar ay ku qaadeen xaafadaha ay magaalada ka deggan yihiin dadka Reer SSC taasi oo horseedday in ciidamada Khaatumo la wareegaan amniga shacabkii la soo weeraray.

PUNTLAND POST

The post Xiisad dagaal oo ka taagan Ceerigaabo iyo inta badan shacabkii oo ka baxay magaalada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this