Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Israa’iil oo sheegay in askar looga dilay koonfurta Lubnaan

Recommended Posts

Deeq A.   
709afcd5-dc4b-4ddb-a478-d696257aaef6_cx0

Militariga Israa’iil ayaa maanta ah sheegay in afar askari lagu dilay koonfurta Lubnaan, taasi oo ah dhimashadii ugu horreysay ee laga sheego aaggaas tan iyo markii ay billaabatay xabbad joojinta Xizbullah, ku dhowaad laba toddobaad ka hor.

Afarta askari oo ka mid ahaa ciidamada kaydka, oo dhamaantood ka tirsanaa hal guuto, ayaa ku dhintay dagaal Axaddii, milatariga ayaa sidaas sheegay iyagoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Israa’iil iyo Xizbullah ayaa ku heshiiyey xabbad joojin ka dib ku dhawaad sannad dagaal ah. Sida heshiiska qayb ka ah, ciidamada Israa’iil waxay ku sugnaan doonaan koonfurta Lubnaan muddo 60 maalmood ah, halka ciidanka Lubnaan sidoo kale la geynayo aaggaas.

Sida ku cad heshiiska, oo ku saleysan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee soo afjaray dagaalkii ugu dambeeyay ee Israel iyo Xizbullah, ciidamada nabad ilaalinta iyo ciidamada Lubnaan waa in ay noqdaan kooxaha hubaysan ee kaliya ee ku sugan koonfurta.

Dhimashada ayaa ka dhigaysa 56 tirada askarta Israa’iil ee lagu dilay koonfurta Lubnaan tan iyo markii milatariga uu qaaday weerar dhulka ah dabayaaqadii September.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu tacsi tiiraanyo leh la wadaagay qoysaska askarta.

PUNTLAND POST

The post Militariga Israa’iil oo sheegay in askar looga dilay koonfurta Lubnaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this