Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka SSC-khaatumo oo fara gelin ku eedeeyay dowladda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1733765189157.jpg?resize=720%2C65

Maamulka SSC-khaatumo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa cambaareeyay fara gelin uu sheegay in Puntland ku hayso degaannadooda.

Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo ayaa ku eedaysay dowladda Puntland in ay fara gelin sharci-darro ah ku hayso degaannada Khaatumo islamarkaana carqalad ku waddo geeddi-socodka dhismaha Maamulkaasi.

SSC-khaatumo waxay sheegtay in Puntland is hor-taag ku samaysay gargaarkii loo waday degaannada Khaatumo islamarkaana joojisay tallaalkii loo waday sidoo kalena warbixino aan sax ahayn oo ku saabsan SSC la wadaagtay hay’adaha Caalamiga ah.

Maamulka SSC-khaatumo ayaa sidoo kale dowladda Puntland ugu baaqay in ay ka waan-toobaan tallaabooyinka ay ku tilmaantay fara-gelinta ee ka dhanka ah degaannada SSC-khaatumo.

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka SSC

FB_IMG_1733764207432.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1733764211812.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Maamulka SSC-khaatumo oo fara gelin ku eedeeyay dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this