Deeq A. Posted December 8 Duqeymo ay Isra’il Sabtidi ka geysatay Marinka Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 30 Falastiiniyiin ah, sidaasi waxaa xaqiijiyay saraakiisha caafimaadka Gaza. Duqeymahaan ayaa imaanaya xilli ay dhawaan Dowladda Qatar ka dhawaajisay in ay dib u billaabeyso dadaalladeedii dhex dhexaadinta wadahadallada xabad joojinta Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’il. Milatariga Isra’il wax jawab ah kama aysan bixin duqeymaha Sabtidi shalay ay ku qaadday magaalooyinka Gaza iyo Rafax. Laalin Isra’il waxay Jimcihi sheegtay in duqeymo dhowr ah ay ku dishay dagaalyahano ka tirsan Xamaas oo ku sugnaa bartamaha Gaza, iyo Xerada Nuseyraar. Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaase sheegay in ilaa 20 qof oo la dilay ay lix ka mid ah ahaayeen carruur halka shan kalana ay dumar ahaayeen. Tan iyo sannadki hore, dagaalka Gaza waxaa lagu dilay ku dhawaad 46 kun oo Falastiiniyiin ah. Source Share this post Link to post Share on other sites