Cowke Posted July 8, 2010 Shir u Dhexeeya Puntland iyo UN oo Maanta Ka Dhacay Wasaaradda Qorsheynta (Warbixin & Sawiro) Garowe: Xarunta Wasaaradda qorsheynta dawlada Puntland ee magaalada Garowe ayaa maantey waxaa ka dhacay shir balaaran oo saacado socdey kaasi oo ay kasoo qaybgaleen Wasaaraddaha Caafimaadka, Qorsheynta iyo Waxbarashada iyo Hay’adaha ka shaqeeya barnaamijka dhextaalka dawlada iyo UN-ka ee la yiraahdo marka lasoo gaabsho (UNTP out come 4) Shirkan ka dhacay xarunta Wasaaradda qorsheynta ayaa looga hadlayay waxa ka qabsoomey qorshaha dhextaalka dawlada iyo UN-ka (UNTP) iyo waxa aan hirgalin gaar ahaan kuwa Wasaaradda Caafimaadka iyo Waxbarashada. Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa shirka hogaamintiisa la waregay kadib markii uu furey Wasiirka Qorsheynta Puntland Dr. Daa’uud Maxamed Cumar oo soo ababuley, waxaana Wasiirka Caafimaadku u mahadceliyey Hay’adaha barnaamijkan kala shaqeeya dawlada wuxuuna sheegay in Wasaaradiisu ay kaalin muuqda kasoo cayaartey qorshahan, waxaana markaas shirka Wasaaradda Caafimaadku ay ku soo bandhigtey waxa u qabsoomey 2009/2010 iyo waxa aan u qabsoomin sanadkaasi. Sida Wasaaradda Caafimaadku ay soo bandhigtey waxaa laga rabay in ay fuliso 37 mashruuc oo ka mid ah barnaamijyada Caafimaadka ee qorshaha la yiraahdo (UNTP OUT COME 4) waxaana ay wasaaradu sheegtay in 17 mashruuc oo dhanka Caafimaadka ah ay hirgaleen 2009/2010 una dhiganta 45%. Barnamijyada aan hirgalin ee Wasaaradda iyo hay’aduhu ku balansanaayeen inay qabsoomaan ayaa Wasaaraddu waxay sheegtay in barnaamijyadaas ay dhanka Hay’adaha ka qabsoomiwaayeen sababo dhaqaale xumo oo ay hay’aduhu sheegteen awgood. Wasaaraddaha Caafimadka iyo Waxbarashada oo kaliya maahan waxa barnaamijkan kala shaqeeya Hay’adaha balse Wasaaraddaha oo dhan ayaa ka shaqeeya waxaana lagu habeeyey wasaarad walba iyo waxa ay shaqadeedu tahay, shirkan maantey ka dhacay hoolka shirarka ee wasaaradda qorsheynta ayaa amaan hay’aduhu ugu soo jeediyeen Wasaaradda Caafimaadka dawlada Puntland taasi oo ku aadan waxqabadka Wasaaradda Caafimaadku ay barnaamijkan ka gaartey. hay’aduhu waxay tilmaameen in barnaamijyada ka baaqdey Wasaaradda Caafimaadka inay hirgali lahaayeen hadii dhaqaalihii loogu talagalay la heli lahaa. Wasaaradda Waxbarashada dawlada Puntland ayaa iyaduna soo bandhigtey barnaamijkan dawlada iyo UN-ka ka dhaxeeya wixii u qabsoomey iyo wixii ka hakaday ee aan u hirgalin, waxayna wasaaraddani sheegtey in barnaamijyo badan ay u qabsoomeen kuwana aysan hirgalin. Qorshaha dhextaalka dawlada iyo UN-ka ee la yiraahdo (UNTP), waa barnaamij hormarineed oo soo bilowdey sanadkii 2008 wuxuuna ahaa saddex sano wuxuuna ku ekaa sanadkan walise ma uusan dhamaamin, shirkan maanta ayaa lagu soo gabogbeeyey jawi aad u qurux badan waxaana loo balamay shir labaad kaasi oo isla Wasaaradda qorsheynta ka dhici doona 15-Sept-2010. Quote Share this post Link to post Share on other sites