Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxuu dalka Imaaraadka Carabta ka yiri in Bashar Al-Asad uu magangalyo u raadsay dalkooda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa la sheegay inuu isaga cararay dalka Suuriya. Hase ahaatee, ilaa hadda lama garanayo halka uu ku dambeeyey.

Lataliyaha dublamaasiyadeed ee madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in aanu hubin in Asad uu ku sugan yahay Imaaraadka iyo in kale.

Isagoo wariyaasha kula hadlayay shirka Manama Dialogue ee Bahrain, Anwar Gargash ayaa diiday in uu ka hadlo wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Asad uu magangalyo ka raadsan karo Imaaraadka.

“Marka ay dadku waydiiyaan, ‘xagee Bashaar al-Assad aadayaa?’, tani runtii tani waa sheeko hoose,” ayuu yiri. “Uma maleynayo inay muhiim tahay. Sida aan iri, ugu dambeyntii tani waa sheeko hoose oo dhab ahaantii dhacdooyinka waaweyn ka mid ah.”

Gargash waxa kale oo uu xusay in Suuriya “ay ka bixin kaynta” oo ay weli u nugushahay xag-jirnimada iyo argagixisada.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this