Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma ninka Bashar Asad ka qabsaday dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

76fdda1e-178c-4d38-8db2-8bfd1e2b7b6a.jpg

Abu Mohammed al-Julani

Warbixinadu waxay ku kala duwan yihiin magaciisa dhabta ah, taariikhda iyo goobta uu ku dhashay, taariikh nololeedkiisa iyo xitaa dhalashadiisa, taas oo sii kordhineysa wax badan oo qarsoon shakhsiyadiisa. Sida laga soo xigtay warbixinnada Qaramada Midoobay, waxa uu dhashay intii u dhaxaysay 1975 ilaa 1979, halka Interpol ay sheegtay in uu dhashay 1975kii.

Sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta PBS ee Maraykanka, magaciisa dhabta ah waa Axmed Xuseen al-Sharaa, naaneystiisa oo tilmaamaysa Buuraha Golan ayaa ka tarjumaysa xiriirka qoyskiisu la leeyahay gobolkaas. Waxa uu waraysigaas ku sheegay in uu sannadkii 1982-kii ku dhashay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, halkaas oo uu aabbihii ka ahaa injineer shidaal ilaa sannadkii 1989-kii. Sannadkaas, qoyska al-Julani waxay ku noqdeen Suuriya, halkaas oo uu ku koray oo uu ku noolaa xaafadda Mezzeh ee magaalada Dimishiq.

Warar ay baahisay warbahainta ayaa sheegay in Al-Julani uu ku dhashay magaalada Deir ez-Zor ee dalka Suuriya sanadkii 1981-kii, waxaana la sheegay in uu muddo labo sano ah uu cilmiga caafimaadka ku soo bartay magaalada Dimishiq, ka hor inta uusan ka tagin sanadkiisii saddexaad ee waxbarashada si uu ugu biiro ururka xagjirka ah ee Al-Qaacidada ee Ciraaq ka dib duulaankii Mareykanka ee 2003dii.Halkan ka sii akhsriso warbixinta oo dhameystiran

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this