Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoogag mucaaradka Suuriya oo dadweynaha ugu baaqay inay ilaashadaan xarumaha danta guud

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabhadaha hubaysan ee saacado ka hor ku dhawaaqay inay la wareegeen xukunkii dalka Suuriya, islamarkaana ay soo afjareen maamulkii 54 sano jirsaday ee Bishaar Al-assad iyo Aabihiis Xaafid Al-assad ayaa dadweynaha dalkaas ugu baaqay inay ilaashadaan xarumaha danta guud, sidoo kalena aanay dhibaato u geysan dhismeyaasha ay ku shaqeeyaan ururrada caalamiga ah oo kuwa qaramada midoobey ugu horreeyaan.

Abuu Muxamed Al-golani oo ah taliyaha Guud ee Waaxda Hawlgallada jabhadda Tahrir Alsham oo farriin u diraya dagaalyahannada mucaaradka ah iyo dadweynaha ayaa yiri “Ilaaliya hay’adaha dawladda, maadaama ay ka tirsan yihiin dhaxalka shacabka”.

Sidoo kale wararka ayaa sheegay inay ra’iisul wasaarihii maamulka Bishaar Al-assad, xukuumaddiisii, iyo booliskii magaalooyinkaba lagu amray inay shaqadooda sii wataan inta cid badesha laga soo magacaabayo.

Arrimahan ayaa ku soo beegmay ka dib markii la xaqiijiyay inuu dalka ka baxsaday Bishaar Al-assad oo taniyo sanadkii 2000-dii talada hayay, horayna uu 30 sano Suuriya u xukumayay Aabbihiis Xaafid Al-assad oo hadda dadweynuhu ay billaabeen inay taallooyinkiisii dhulka soo dhigaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this