Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sare u qaadaysa dadaallada looga hortagayo maalgalinta argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Xarunta Warbixinta Maaliyadeed (FRC), Marwo Aamina Cali, ayaa kulan muhiim ah la qaadatay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga ka dhaxeeya FRC iyo booliska si loo hirgeliyo istiraatiijiyadda looga hortagayo maalgelinta kooxaha argagixisada.

Labada dhinac ayaa isku raacay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, iyadoo taliyuhu ballan qaaday inuu kor u qaadi doono awoodda waaxda baarista dambiyada maaliyadeed ee booliska.

Sidoo kale, FRC ayaa ku dhawaaqday inay si dhow ula shaqeyn doonto booliska ayna siin doonto tababarro waaxda dambiyada maaliyadeed.

Kulankan ayaa lagu xusay tallaabo horumarineed oo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dagaalka ka dhanka ah maalgelinta argagixisada ee Soomaaliya.

Iskaashiga la xoojiyay ee FRC iyo booliska Soomaaliyeed wuxuu sare u qaadi doonaa hufnaanta baarista dambiyada maaliyadeed wuxuuna ka qeyb qaadan doonaa sugidda amniga qaranka.

Labada dhinac waxay isku waafaqeen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan burburinta shabakadaha maaliyadeed ee argagixisada si loo ilaaliyo sharafta iyo madaxbannaanida maaliyadeed ee dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this