Sign in to follow this  
Deeq A.

47 tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo dalka lagu soo celiyay kaddib markii ay ku xayirmeen waddanka Madagascar

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1733639633344.jpg?resize=720%2C40

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dalka ku soo celisay 47 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xayirnaa waddanka Madagascar.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu soo celisay 47 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xannibnaa dalka Madagascar kaddib markii diyaarad gaar ah loo diray.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay in muwaadiniintaasi tahtiib ku galeen dalka Madagascar islamarkaana 28 kamid ah ay badda ku dhinteen halka intii kalena la soo badbaadiyay.

“Nasiib darro, safarka halista ah ee muwaadiniintan ku xayiray ayaa sababay dhimashada 28-dii muwaadin Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa khataraha ka dhalata tahriibka sharci darrada ah” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dibadaha loo soo celiyo iyada oo aan la adeegsan caawimaad dibadda ah” ayuu sii raaciyay bayaankaasi ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post 47 tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo dalka lagu soo celiyay kaddib markii ay ku xayirmeen waddanka Madagascar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this