Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Suuriya oo ku dhawaaqay inay xukunka ka tuureen Bishaar Al-assad.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka imaanaya magaalo madaxda dalka Suuriya ee Dimishiq ayaa sheegay in xoogagga mucaaradka ay la wareegeen xurumaha  dowladda iyo garoonka diyaaradaha, islamarkaana aan la garanayn meel uu jaan iyo cirib dhigay Bishaar Al-assad oo taniyo sanadkii 2000-dii xukunka hayay.

Dabaaldegyo ayaa ka socda magaalada, saraakiisha ugu sarraysa mucaaradka qaarkoodna  waxay ku suganyihiin xarunta Radio-yaha iyo TV-ga dowladda, halkaas oo la filayo inay dadweynaha kala hadli doonaan, islamarkaana shaacin doonaan inay ayagu talada qabsadeen.

Xaaladda dalkan ku yaalla bariga dhexe ayay dunidu isha ku wada haysaa, ayadoo la soo afjaray xukunkii adkaa ee ku dhowaad 60 ay kooxda calawiyiinta ah ee laga tirada badanyahay maamulka ku haysteen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this