Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Suuriya oo ka baxay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee maagalada Dimishiq

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida laga soo xigtay Ilo wareedyo ka ag dhow mucaaradka hubeysan ee dalka Suuriya saraakiisha militariga ee maamulka Bishaar Al-assad ayaa isaga baxay xarunta wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidank guud ee magaalada Dimishiq.

Mucaaradka Suuriya oo wararku ay xaqiijinayaan inay caasimadda galeen ayaa hadda gacanta ku haya xaafadaha magaalada qaarkood gaar ahaan dhinaca bariga iyo duleedka koonfureed, lamana oga halka uu ku suganyahay madaxweyne Bishaar Al-assad oo muddo 24 sano ah dalkaas gacan bir ah ku maamulayay, Aabbihiisna 30 sano xukunka hayay.

Sida degdega ah ee ay mucaaradku dalkoo dhan isugu ballaariyeen ayaa dunidoo dhan ka yaabisay, waxaana muuqada in militarigu aysan wax dagaal ah la gelin xoogaggan hubaysan ee inay xukunka dalka la wareegaan qarka u saaran, ka dib dbowr iyo toban oo halgan adag ay ku jireen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this