Deeq A. Posted December 7 Nairobi (Caasimada Online) – SODMA (Somali Digital Media Academy) oo ah xarun Soomaaliyeed oo ku takhasustay horumarinta xirfadaha dijitaalka ah, ayaa ku guuleysatay Abaalmarinta Silver Award ee Digitally Fit Awards – East Africa Edition 2024. Xafladda oo lagu qabtay Nayroobi waxaa kasoo qaybgalay in ka badan 500 shirkadood oo ka kala yimid dalalka Bariga Afrika, sida Soomaaliya, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiyadda Congo, iyo Burundi, si loo xuso hal-abuurka iyo horumarka tiknoolajiyada dijitaalka ah. Abaalmarinta waxaa goobta ka guddoomay Farxaan Xuseen Cabdi oo ka tirsan maamulka SODMA, kaas oo sheegay in guushan ay tahay mid ay ku faani karaan dhammaan Soomaalida, isagoo tilmaamay in ay abaalmarintani tahay caddeyn u ah dadaalka SODMA ee ku wajahan horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee xirfadaha dijitaalka ah. Senator Okiya Andrew Omtatah oo ka socda Kenya ayaa bogaadiyay SODMA kadib markii uu wax badan ka bartay shaqadeeda. Wuxuu yiri: “Waxa ay SODMA qabato waa wax aan dhammaanteen ku faani karno. Doorkeeda ku aaddan tababarka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo barashada xirfadaha dijitaalka ah waa tusaale ifaya oo isbeddel wanaagsan ah. Saameynteeda waxay ka baxday Soomaaliya oo waxay gaartay gobolkan oo dhan.” Wuxuu intaas ku daray: “Mashaariicdan waa maalgelin mustaqbalkeena wadajirka ah, mana aha oo kaliya horumar shaqsi. Dadaalka SODMA wuxuu muujinayaa sida hay’adaha goboleedku uga qayb qaadan karaan horumar waara.” Guushan waxay u tahay Soomaaliya tallaabo weyn oo lagu muujinayo kartida iyo hal-abuurka dadkeeda. Gobol ahaan, waxay astaan u tahay muhiimadda iskaashiga iyo waxbarashada si loo abuuro fursado cusub oo lagu gaaro horumar waara. Share this post Link to post Share on other sites