Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Daahfuray Istaraatiijiyadda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029.

Istaraatiijiyaddan oo halku-dheggeedu yahay “Dhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo Loo Simanyahay, lehna Daahfurnaan, Helitaan, iyo Isla Xisaabtan,” ayaa looga golleeyahay dib-u-habeynta nidaamka caddaaladda si uu u noqdo mid ka jawaaba baahiyaha dadka Soomaaliyeed.

Qorshahan waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa ilaalinta xuquuqda bulshada nugul sida haweenka iyo carruurta, iyadoo la dhisayo nidaam caddaaladeed oo isku dhafan, waafaqsanna nidaamka federaalka, kuna saleysan dhaqanka, qiyamka, iyo diinta suuban ee Islaamka.

Mudane Xamse ayaa ku nuuxnuuxsaday in istaraatiijiyadda cusubi ay muhiim u tahay dhismaha nidaam caddaaladeed oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana bulshada u sahlaya helitaanka adeegyo caddaaladeed oo hufan.

Waxaa sidoo kale qorshuhu xooga saaraya in la xoojiyo isla xisaabtanka hay’adaha garsoorka iyo hufnaanta howlaha lagu fulinayo caddaaladda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this