Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Jubbaland oo dagaal culus uu ku qabsaday duleedka Kismaayo + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
Jubbaland.jpg?fit=1920%2C1280&ssl=1

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo gelinkii dambe ee Jimcihii ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada Birjeex ee Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana xigay dagaal socday ku dhawaad saacad oo sababay khasaare xooggan.

Afhayeenka ciidamada Jubbaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir oo wareysi siiyay VOA ayaa ka warbixiyay dagaalka ay la galeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in labada dhinacba uu khasaare soo gaaray.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax ayaa tilmaamay in dhankooda ay ka dhinteen laba askari, uuna ka dhaawacmay mid kale, balse khasaare ka badan ay gaarsiiyeen Shabaab.

Afhayeenka ayaa xusay in dagaalka kadib ay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay ka carareen 9 maydad ah, ayna jiraan maydad kale iyo dhaawacyo ay horay u qaateen.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa u muuqata inay ka dhex faa’iideysaneyso xiisadda dowladda federaalka iyo Jubbaland, waxayna kordhisay weerarada ay ku qaadeyso ciidamada maamulkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this