Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ethiopia oo ka hadashay in ay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya kadib go’aankii looga saaray Hawlgalka Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
FMs-2.jpg?resize=1000%2C734&ssl=1

Af-hayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Ethiopia, Nebiat Getachew oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa soo dhaweeyay in wada-hadal lagu xalliyo Khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Ambassador Nebiat Getachew ayaa taageeray qorshaha Kenya iyo Uganda ay ku doonayaan in ay ku dhex-dhexaadiyaan khilaafka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia, ee ka dhashay is afgaradkii badda ee Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi.

Af-hayeen Nebiat Getachew, oo su’aal laga weydiiyay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in ciidamada Ethiopia laga saaro hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in uu su’aashaasi si toos ah uga jawaabo, Balse wuxuu sheegay in Ciidamada Ethiopia ay sii wadi doonaan dagaalka kooxaha Argagixisada ah ee AS.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhawaan sheegay in isaga, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud, iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay ka wada hadli doonaan si loo yareeyo xiisadda ka jirta Geeska Afrika.

“Madaxweyne Museveni, aniga, Walaalkeey Xassan Shiikh, iyo Ra’iisulwasaare Abiy, waxa aan qorsheyneynaa in aan kulan yeelanno, si aan sidoo kale ugu yareyno xiisadda hadda ka taagan Geeska Afrika,” ayuu Madaxweyne Ruto yiri isagoo ka hadlayay shirka ka socda magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Hase yeeshee, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax wada-hadal ah la geli doonin dowladda Ethiopia ilaa inta ay ka laabanayso is afgaradkii badda ee dhexmaray xukuumadda Addis Ababa iyo Somaliland, kaasi oo dhigaya in Ethiopia marin badeed iyo saldhig millitari ka hesho xeebaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Ethiopia oo ka hadashay in ay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya kadib go’aankii looga saaray Hawlgalka Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this