Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Ethiopia ku eedaysay in ay fara-gelin Ciidan ka waddo Gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   
fiqi.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay tallaabooyin ay sheegtay in Ethiopia ay ka waddo Gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaasi deggan, waxaana ay ku eedeysay faragelin ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Saaka ciidamo Ethiopian ah oo ka soo baxay degmada Doolow u soo dhaqaaqeen dhanka degmada Buulo Xaawo, balse ay ka horyimaadeen dadka degaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida oo u diiday in ay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaawo.

“Soomaaliya waxay mar walba diyaar u tahay derisnimo wanaag iyo nabad ku wada noolaaansho, hase yeeshee maamulka Addis Ababa waxaa uu caadeystey inuu colaado hor leh ka abuuro gobolka, isla markaana uu wado tallaabooyin ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay difaaca madaxbanaanida iyo qaranimadeeda, waxayna ugu baaqeysaa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalkan gurracan ee Ethiopia ee wax u dhimaya nabadda gobolka iyo caalamka intaba” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1733483364839.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo Ethiopia ku eedaysay in ay fara-gelin Ciidan ka waddo Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this