Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo raalli-gelin ka bixiyay Sharcigii Martial Law

Recommended Posts

Deeq A.   
240815-yoon-suk-yeol-wc-0833-f81320.jpg?

Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Yoon Suk Yeol oo Sabtida saaka ah khudbad jeediyay ayaa raalli gelin ka bixiyay sharcigi dagaalka ee martial law-ga ee uu todobaadkaan ku soo rogay dalkiisa, inkastoo uu ka laabtay 6 saacadood kaddib.

Yoon ayaa raalli gelintan bixiyay saacado yar ka hor inta aysan mudanayaasha baarlamaanka yeelan fadhi aan caadi aheyn oo la filayo in madaxweynaha xilka looga xayuubiyo.

Yoon wuxuu sheegay in uusan isku dayi doonin ka fogaanshaha mas’uuliyadaha sharci iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhashay go’aankiisii la yaabka ku noqday shacabka Kuuriyada isla markaana ruxay guud ahaan qaranka uu hogaamiyo.

Khudbaddiisa saaka ayaa noqotay tii ugu horreysay ee uu uga soo hor muuqdo fagaarayaasha, wixi ka danbeeyay marki uu iclaamiyay sharciga dagaalka, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa ka dhigi lahaa Kuuriyada Koofureed waddan uu ka fulo kaliyah amarka madaxweynaha, milatariguna ay soo xiri karaan qofki ay doonaan maxkamad la’aan.

Mudanayaasha axzaabta mucaaridka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada xisbul xaakimka ayaa la filayaa in ay haa ugu codeeyaan mooshinka xilka looga qaadayo madaxweyne Yoon maanta oo Sabti ah.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo raalli-gelin ka bixiyay Sharcigii Martial Law appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this