Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Himilo Qaran oo Villa Somalia ku eedeeyay in ay si bini’aadanimada ka baxsan u bara-kicisay danyartii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1733285155546.jpg?resize=720%2C48

Xisbiga Mucaaridka ah ee Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay bara-kicin uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso qoysaska danyarta ah ee Muqdisho.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku khasbeen kumanaan shacab ah in ay si xoog ah uga bara-kiciyaan dhulkii ay mudada ku noolaayeen, kuwaasi oo ay u danbeeyeen qoysas laga bara-kiciyay Xero Kalluun.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee Himilo Qaran ayuu sidoo kale ku sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si ka baxsan bini’aadanimada ula dhaqantay shacabkii la bara-kiciyay, islamarkaana aysan u samayn wax dib u dejin ah.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay sida loo maareeyay dhulkii laga bara-kiciyay danyarta oo uu tilmaamay in madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku sameeyeen musuq maasuq iyo eex ku dhisan dano shakhsiyeed.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1733283732353.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Xisbiga Himilo Qaran oo Villa Somalia ku eedeeyay in ay si bini’aadanimada ka baxsan u bara-kicisay danyartii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this