Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo caddeeyay mowqifkooda doorashada qof iyo cod ee Villa Somalia waddo

Recommended Posts

Deeq A.   
Mucaaradka.jpg?resize=1000%2C600&ssl=1

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war-murtiyeed wadajir ah soo saaray ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aaddan hannaanka doorashada aan heshiiska lagu ahayn ee Villa Somalia waddo.

“Madaxweyne Xasan wuxuu talada dalka la wareegay iyadoo uu dalku leeyahay dastuur la isku raacsan yahay, xeerka doorasho iyo xisbiyada, iyo guddi doorasho. Wuxuu beddelay dastuurkii dalka, wuxuu samaystay xeerar doorasho iyo kuwo xisbi, wuxuu magacawday guddi doorasho oo dhammaantood lagu jaangooyay rabitaankiisa shakhsiga ah” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka wadajirka ah, oo ay soo saareen Sheekh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur

“Xeerarka doorashooyinka iyo xisbiyada, iyo guddiga doorashada ee Madaxweynuhu magacaawday waxay ku dhisan yihiin dastuurkii sida sharcidarrada ah loo baddelay, wax kasta oo baadil lagu dhisayna waa baadil, hal xaaraan ahna nirig xalaal ah ma dhasho” ayay sii raaciyeen War-murtiyeedkooda, waxaana ay ka digeen in hannaanka doorasho ee aan heshiiska lagu ahayn uu dalka u horseedo xasilooni-darro siyaasadeed iyo qalalaase amni.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale ku wargeliyay saamileyda siyaasaddda iyo saaxibada daneeya arrimaha Soomaaliya in aysan aqoonsanayn guddiga doorashooyinka iyo Xeerarka doorashada ee ay samaysay Villa Somalia waxaana ay ka digeen in aan lagu kadsoomin.

Halkaan ka akhriso War-murtiyeedkooda

FB_IMG_1733295394849.jpg?resize=720%2C90

PUNTLAND POST

The post Sheekh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo caddeeyay mowqifkooda doorashada qof iyo cod ee Villa Somalia waddo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this