Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1733307723034.jpg?resize=720%2C48

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025.

Qoraal ka soo baxay Baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in xildhibaannadu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025 oo dhan $466,840,762 oo dollar.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 mudane, waxaa ansixinta Miisaaniyadda u codeeyay 47 xilhibaan, halka ay ka aamuseen 2 mudane, islamarkaana ma jirim cid diiday, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Baarlamaanka.

“Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 47 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 2, sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyadda Dawladda sannadka 2025, taasoo noqonaysa wadarta guud $466,840,762” ayaa lagu yiri qoraalka.

Miisaaniyadda 2025, waxay korortay 18% marka la barbardhigo sannadkan 2024, iyadoo lagu qiimaynayo Kharashka u kala qoondaysan hay’adaha dowladda ee kala ah; Hay’adaha Adeegga maamulka, amniga, cadaaladda, dhaqaalaha iyo Hay’adaha adeegga Bulshada.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland oo maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this