Sign in to follow this  
Member-sol-

TFG-da cidla oogama tagayno-- Meles

Recommended Posts

Meles Zanawi oo ka hadlay ka bixitaanka ciidamadiisa Somaliya kana dayriyey joogitaankiisa.

 

By Somalimirror on 21 Sep, 2008 10:00 AM in Main, Wararka

 

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Meles sanawi oo ay ciidamo tiro badani ka joogaan dalka soomaaliya ayaa iftiimiyey ina aanu ciidamadiisa si fudud ugala bixi doonin Dalka Soomaaliya, Meles Zanawi oo waraysi dheer oo dhinac yo badan ku saabsan siiyay wargeyska Eithopian Herald ee ka soo baxa Addis Ababa, waxa uu sheegay in aanay dawlada Kumeel gaadhka ee C/hi Yuusuf cidla kaga dhaqaaqi doonin, ciidamadaydiisuna ay u joogaan Soomaaliya laba hawlood oo muhiim ah, hawsha hore oo ah in lala halgamo xag jirayaasha kuwaasoo khatar ku haya Itoobiya kuna dhawaaqay Jihaad ka dhan ah, hawshaas ciidankaygu waxay ka gaadheen guulo badan.

 

 

 

 

Wuxuuna intaas raacay hawsha labaad waxa weeyaan in aanu taageerno dawlada Somaliya si loo hubiyo nabada iyo deganaansho ka hirgala wadanka Somaliya, waxaana intaas dheer ciidanka Itoobiya waxay dhabarka saareen masuuliyad ah sidii nabad waarta looga gaadhi lahaa Itoobiya iyo weliba Geeska Afrika, taasoo lagu gaadhay in laf dhabarta laga jebiyo xoogagii Dulmiga waday ee Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

 

 

 

“Keli kumaanu ahayn in aanu dhabarka ka jebino Xagjirayaasha hase yeeshee waxaanu la kaashanay xulafadayada waxaana ka mid ahaa dawladda ku meel gaadhka ah, kumana odhan karno dawlada soomaaliya nabadeey -(Nabadgelyo) Anaga oo ciidanka kaga tegeyna ilaa iyo inta ay isku filaanayaan si ay u xaliyaan dhibaatooyinkooda. arintani maha oo keliya arin ku saabsan damiirkayga waxayse fariin khaldan u diraysaa xulufadayada kale kuwaasoo noo qaadan kara in aanaan ahayn xulafo u qalanta mustaqbalka, sidaas darteed waa in aanu taageernaa intii awoodayada ah”.

 

 

 

 

Meles zanawi waxa uu ku dooday hay’adda ugu wayn caalamka ay ka dalbadeen in aanu ciidamadiisa kala bixin Somaliya , hay’adaha caalamka sida midowga Afrika iyo dadka somaliyeed ayaa noo taageeray si niyad sami ah, gaar ahaan taageerda aanu ka helay M, Afrika waa mid aan la dhayal san Karin Qaramada Midoobay iyo M, Afrika waxay noo sheegeen inaan si deg deg ah ugala bixin ciidamadayda Somaliya , arintaas oo khatar gelin karta amaanka Somaliya iyo Dadkeeda waxa kale oo ay naga codsadeen in aanu joogno ilaa inta loosoo dirayo ciidamo nabad ilaalineed iskama dhego tiri karno codsigaas nooga yimi Midowga Afrika sadexda arimood ayaanu ilaa hadda u joognaa Somaliya.

 

 

 

 

Meles, waxa uu qiray in aan joogitaanka ciidamasii oo keliya aanu keeni Karin xal waara, “ joogitaankayga Somaliya ma keeni karo natiijooyinkii looga baahnaa mana rumaysnai in aanu dagaalku yahay xalka keliya,

 

 

 

 

Waxaanuse leenahay sadex qorshe ka koowaad, xal siyaasadeed oo laga gaadho gudaha iyo debeda Somaliya, gudaha somaliya waxaan u jeedaa xalinta muranka qabaa’ilka ee gudaha dalka Somaliya, waxay shir ku yeesheen muqdisho si ay u xaliyaan arimahaas, taasoo ah xal lagu dejin karo dhibaatada magaalada muqdisho .

 

 

 

 

Dhinaca kale waxaa jiray Jihaadiiyiintii ku jiray midowgii maxakamadaha iyo weliba kooxo naftod hurayaal ah oo Ajnebi ah, kuwaasoo khatar gelin kara Amniga geeska Afrika.

 

 

 

 

Qorshaha labaad oo ah in la dhiso dawlada Somaliyeed , markii aanu faragelinay Somaliya may lahayn dawladasi ciidan boolis iyo ciidan shacbiya , mana jirin Hay;ad sharciyeed oo cashuurta qaada waxa cashuurta urursan jirey qaswadayaasha sidaas darted waxaanu dhisnay ciidankii Somaliyeed, Booliskii iyo hay’adoo cashuur ururinta ayuu yidhi Meles sanawi.

 

 

 

 

Qorshahiisa sadexaad waa in aanu cadaadis saarno bulshada caalamka si ay u taageerto ga’aankii Midowga Afrika, lana wareegto masuuliayadda nabadaynta Somaliya iyad oo loo marayo qaramada midoobay. Sadexdaas qorshe ayaanu ka gaadhnay natiijooyin kala duwan.

 

 

 

 

Tusaale ahaan Dib u heshiisiinta Muqdisho waa mid dhiiri gelin leh halka ay ka fashilantay tii Kismaanyo maruu ka hadlayey Meles Shirka dib u heshiisiinta ee u socda dawlada ku meelgaadhka ah iyo garabka mid ah isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya waxa uu yidhi “dhinaca dib u heshiisiinta ee debeda Somaliya uga socota dhawr kooxood oo ka soo go’ay Alshabaab ayaa la bilaabay wada hadalo nabadeed Dawlada ku meel gaadhka ah, kuwaasoo saxeexay wareegii hore ee heshiiska arintani dhab ahaantii waa guul arinta ku saabsan dib u dhiska Dawlada ku meelgadhka ah, waxaanu tilmaamay tiro boolis iyo Mileteri ah kuwaasoo sii xoogaysanaya si talaabo talaabo ah, laakiin ma odhankaro arintaasi waxay ku socotaa xawligii loo bahnaa”.

 

 

 

 

Mar uu ka hadlayey waqtiga uu ciidamadiisa kala soo bixi doono gudaha Somaliya wuxuu yidhi “ Ta ku saabsan xiliga ay ciidamada itoobiya ka soo bixi doonaan gudaha Somaliya ugu horayn waa in anu seefta marinaa jihaadka ka dhanka ah Itoobiya ee lagu dhawaaqay, waxaanan taas ku dhamaynay sadextodobaad. sababta aanu Somaliya u joogno ka dib markii aanu hawlgalkaa dhamaynay waa in aanu damaanad qaadno nabad waarta oo Somaliya iyo Gobolkaba ka dhalata. joogitaanka halkaasi maha waajib waanu la soo bixi karnaa ciidamada yada markasta oo aanu doono oo waxaanu sal dhigyo ka samaysan doonaa Xuduudka si aanu isu ilaalino, laakiin sidaan mar hore sheegay waxaanu galnay dhawr balamood waxaanuna ma suul ka nahay Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, iyo dadka Somaliyeed, waxaanuna qiimayn doonaa faa’iidada qasaaraha ay leedahay in Somaliya si joogta ah la joogaayi. Go’aanka yaga ku saabsan ka bixitaankuna wuxuu ku salaysanaan doonaa qiimayntaas, ma dejin karo Go’aan kama danbays ah oo kedis ah hadda”

 

 

Hadalkan ayaa ka soo yeedhay Ra’iisal wasaaraha Maamulka Itoobiya Mels Zanawi waqti ay ciidamadiisu jab kala kulmeen gudaha Somaliya xoogaga ka sooo horjeeda, Laguna soo ururiyey dhawr xarumod oo ka mida magaalada muqdisho, halka dhinaca kale ay kooxaha mujaahidiintu gacanta ku dhigeen inta badan gobolada Somaliya oo ka mid tahay Magaalada dekeda ah ee Kismaanyo.

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this