Cowke Posted July 28, 2010 Wasiir PL oo gaaray Degmada Dhahar 27 Jul 27, 2010 - 12:13:02 PM GAROWE ONLINE Wasiirka Xanaanada Xoolaha Md. Siciid Xasan Shire ayaa socdaal ku tagay magaalada Dhahar oo ah xarunta gobolka cusub ee Haylaan. Ujeeda socdalka wasiirka ayuu ku sheegay xilli uu u waramay Radio Garowe iney tahay wacyigalinta bulshada gobolkasi ee ku saabsan ka hortaga argagixisada caalamigaa ee ku soo duushay deeganada Puntland iyo in shacabka garab siiyaan Dowlada si loo soo afjaro kooxdaasi. Wasiir Siciid Xasan Shire ayaa intasi ku daray in kulamo uu la qaatay hogaanka Dhaqanka gobolka Haylaan kana wada hadleen arimaha adkaynta amaanka. Wasirka Xanaanada Xooloha Puntland ayaa sheegay in ay isaga iyo mas'uuliyiinta gobolka iyo odayashu ay socdalo ku tagayan dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka si bulshada loogu booriyo adkaynta amaanka Mandaqada. Dhageyso Wasiirka oo la hadlaya Wariye Saalim Audio Quote Share this post Link to post Share on other sites