Deeq A. Posted Tuesday at 04:00 PM Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa mar kale maanta ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda culus ee dowladda federaalka kala dhexeyso maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Xamza ayaa weerar culus ku qaaday Axmed Madoobe, wuxuuna ku eedeeyay inuu hurinayo dagaal dhex-maray ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ee la geeyay maamulkaasi. Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna sheegay in maalin kasto ciidamo doonyo uga qaado Kismaayo, balse ay ka digayaan arrintaasi. Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababta ciidamada Xoogga dalka loo geeyay Raaskambooni, wuxuuna tilmaamay inay la xiriirto inay la wareegaan saldhigyada ay baneeyeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Kenya iyo inay la dagaalamaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. “Waxaa nasiib darro ah in kuwa mas’uuliyiin sheeganayo ay maanta abaabulayaan wiilal Soomaaliyeed oo xittaa ka wada tirsan ciidamada qaranka inay isku dilaan waxaad ogtihiin habeen iyo maalin in magaalada Kismaayo laga raro ciidamo hubeysan oo loo dirayo inay lasoo dagaalamaan wiilal Soomaaliyeed oo ka tirsan Xoogga dalka” ayuu yiri Xamza. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ciidamada SNA waxaa la geeyay deegaan kamid ah gayiga Soomaaliyeed, si ay ula wareegaan deegaannadii ay ka baxeeen ciidamadii ATMIS oo ah waajibaad saaran dowladda”. Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo isna nasiib darro ku tilmaamay in Jubbaland ay siyaasadeyso ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in sawir khaldan lagu lifaaqayo ciidanka marka lagu tilmaamo kuwo burburinaya jiritaanka maamulkaasi. “Ciidamada la geeyay Raaskambooni waa ciidamada Danab, waxayna ka shaqeynayaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Ciddii xabbad kala hortimaada ayaa qaadi doonta masuuliyadda,” ayuu wasiir Jaamac. Si kastaba, xiisadda dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, iyadoo laga cabsi qabo inay isku badasho dagaal toos ah, maadaama ciidamo taabacsan labada dhinac ay isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan maamulka Jubbaland. Share this post Link to post Share on other sites