Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda gaadiidka duulista hawada DF oo amarro culus ku dhowaaqday

Recommended Posts

Deeq A.   
dda9184c-9f58-4d6e-bca5-982ed2294e97.jpe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa maanta ku dhawaaqay amarro cusub oo lagu hagaajinayo nidaamka Gaadiidka iyo Bed-qabka Waddooyinka Dalka, si gaar ah Mootooyinka Fekon-ta ayuu amarkaan u saameynayaa.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Bashir Moallim Ali Hassan iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka Gaashaanle Dhexe Saciid Cali Maxamuud (Saciid Baryare) ayaa lagu shaaciyay amaradaan.

Agaasimaha iyo Taliyaha ayaa sheegay in mootada Nooca Labo Lugooleyda ah ee loo yaqaanno FEKON aan loo ogolaan doonin inay qaadaan wax ka badan labo qofood.

Sidoo kale waxaa lagu amray markii ay kaxeynayaan Mootada inay xirtaan Koofida difaaca Madaxa, iyadoo sidoo kalana Darawallada Mooto Labo Lugooleyda ee FEKON-ta ay ku wadi karaan ruqsadda darawalnimo ee Laysinka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay bixiso.

Waxaa sidoo kale amar lagu bixiyay in milkiilayaasha Gaadiidka waaweyn ee xamuulka ay dayactir ku sameeyaan Gaadiidkooda, Lana aqbali doonin Gaari aan Bed-qabkiisa la hubin in uu shaqeeyo.

“Gaadiiidka aan lahayn Fariinka, Hoonka, Haadadka, Miraayadaha, Nalalka iyo Dhammaan Shuruudaha Bed-qabka Gaadiidka looma ogolaan doono inuu shaqeeyo, Fadlan Walaal Sameyso Gaarigaaga Oo Badbaadi Nafta Iyo Hantida Dadweynaha Iyo Taadaba” Ayuu yiri Agaasime Bashiir oo si adag ula hadlay Gaadiidleyda ku shaqeysata Gaadiidka Duqoobay.

Si looga hortago ciriiriga iyo shilalka ka dhasha isticmaalka waddooyinka, Mas’uuliyiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabo adag laga qaadi doono Gaadiidka aan raacin shuruucda wado marista.

Milkiilayaasha Gaadiidka ayaa lagu wargeliyay inay saxaan Xogta Gaadiidka Iyo Xoogta Milkiyadda, iyadoo loo cadeeyey in aan la Aqbali doonin inay isticmaalaan Taarikooyinka Been Abuurka ah ama kuwo lagasoo furay Gaadiid kale, iyadoo lagu wargeliyay ciddii u hogaamsami waysa awaamirtaan in Sharciga lala tiigsan doono.

Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Taliska Taraafikada ayaa ku celiyay muhiimadda ay arrintani u leedahay badbaadada shacabka iyo habsami u socodka Gaadiidka. Waxay ugu baaqeen dhammaan Gaadiidleyda inay u hoggaansamaan amarrada cusub si looga fogaado cawaaqib xumo ka dhalan karta sharci-jebinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this