Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira inuu DF isku dhiibayo wasiirka amniga Jubbaland?

Recommended Posts

Deeq A.   
Dhuumaal-1.jpg?fit=960%2C540&ssl=1

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo haatan ku sugan gobolka Gedo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Ugu horreyn Yuusuf Dhuumaal ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu isku dhiibayo dowladda federaalka, kadib markii ay soo baxday in la hareeyay, wuxuuna meesha ka saaray wararkaasi oo uu tilmaamay inay faafiyeen dan leh dano gaar ah

Dhuumaal ayaa arrinta qaboojiyay, wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed aan laga xigin, isagana uu yahay mas’uul qaranka u shaqeynaya oo gobolka jooga.

“Dhuumaal waa la hareereeyey Dhuumaal waa isdhiibayaa, dadka Soomaaliyeed dowladnimadooda waa xigsanayaan eyguna waa iska ciyayayaa waa kuwii oo weliba Facebook helay, waayo isku dhiibaayo Qarankii anigaa ah gobolkanna anigaa ka soo jeeda,” ayuu yiri Wasiir Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal).

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale uu Dhuumaal ka jeediyay Kismaayo, isla-markaana uu ugu jawaabay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, isaga oo markaas ka horyimid tallaabooyinka dowladda ee la xiriira Jubbaland.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli ay kacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ee ka dhalatay dib u doorashadii Axmed Madoobe.

Labada dhinac ayaa haatan isla aaday jidaha dagaalka, kadib markii ay dowladda dhexe ciidamo ku daabushay deegaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this