Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo sheegtay in ay dishay xubno ka mid ah Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Howlgallo ay iska kaashadeen ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsan Shabaab, halka in ka badan 30 kalena lagu dhaawacay.

Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Yaaqle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan sifaynta ah ayaa weli ka socda deegaanka, waxaana uu bartilmaameedsanayaa haraadiga Shabaab ee ku sugan halkaas, kuwaas oo wali wiiqaya amniga iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda NISA ayaa shacabka ku nool deegaanada howlgalka laga fulinayo ugu baaqday inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Shabaab, maadaama ay yihiin bartilmaameedyo toos ah oo ciidamadu ku beegsanayaan si loo sugo amniga qaranka.

Howlgaladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo in meesha laga saaro khatarta ay ku hayaan Shabaab shacabka iyo dowladnimada dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this