Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka socda dalka Suuriya ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Todobaadkii la soo dhaafay dagaalyahanada mucaaradka Suuriya ayaa  la wareegay gacan ku haynta dhul ballaran oo ku yaalla waqooyiga iyo bartamaha dalkaas, kuwaas oo ay kamid tahay magaalaada istiraatijiga ah ee Xalab, waxayna u sii gudbeen dhanka koonfureed ee dhanka Xama.

Tallaabadan lama filaanka ah ayaa dib u soo xoojisay dagaallada dalkaasi suuriya ka socda tan iyo sanadkii 2011, kuwaas oo muddooyinkii dambe u muuqday inay gaabis noqdeen, islamarkaana xooagagga Madaxweyne Bishaar Al-asad oo Ruushka iyo Iran gacan saar la leh.

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka oo ka kooban dhowr jamhadood oo u midoobay inay xukunka dhaafiyaan hoggaamiyahan tan iyo sanadkii 2000-dii xukumayay Suuriya ayaa qabsaday saldhigyo ciidan oo muhiim ah iyo garoomo militari.

Dhankooda ciidamada Suuriya oo taageero ka helaya Ruushka iyo sida la sheegay malayshiyaadka Ciraaqiyiin oo Iran gacan saar la leh ayaa xoojiyay duqaymaha ay ku hayaan goobaha ay mucaaradka haystaan.

Lama oga dalka ay ku dambayn doonto xaaladda Suuriya, balse waxaa haatan muuqanaysa in kacdoonka jamhaduhu uu si dardar ah ku socdo, islamarkaana ay ku fidayaan dhul ballaaran oo ku yaallla waqooyiga iyo bartamaha dalkaas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this