Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo Gudoomiye ku xigeen degmo ku dhaawacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Daarasalaam, Guure Maxamed Xersi, xilli uu ku sugnaa xarun jimicsi (gym) oo ku taal Isgoyska Ex-Koontarool Balcad, dhanka degmada Hilwaa ee Muqdisho.

Weerarkan ayaa sababay dhaawac oo soo gaaray guddoomiyaha, halka mulkiilihii xarunta jimicsiga lagu dilay goobta, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka Daarasalaam.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kooxda hubeysan ayaa goobta qaatay gaariga uu lahaa Guddoomiye Ku-Xigeenka, kaas oo la sheegay inuu bannaanka xarunta yaallay.

Booliska ayaa bilaabay baaritaan degdeg ah oo ku aaddan dhacdadan, iyagoo sheegay inay ku raad-joogaan kooxdii falka geystay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this