Deeq A. Posted Tuesday at 09:58 AM Alle ha u naxariisto, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland ahaana hadda Senator ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mohamed Cali Yusuf (Gaagaab), ayaa maanta ku geeriyooday dalka Turkiga. Marxuumka, oo ahaa shakhsiga ugu da’da weyn Aqalka Sare, ayaa door muhiim ah ka soo qaatay siyaasadda maamulka Puntland . Wuxuu soo noqday Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Aqalka Sare inta aysan doorashada Guddoomiyaha rasmiga ah dhicin sanadkii 2022-kii .waxaa laga soo doortay gobolka Mudug. Geerida Senator Gaagaab waxaa xaqiijiyey Xildhibaan Dhaashane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo qaar ka mid ah ehelkiisa. Maalmihii lasoo dhaafay wuxuu ku jiray Isbitaal ku yaalla dalka Turkiga halkaasi oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalaayay. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites