Deeq A. Posted Tuesday at 10:00 AM Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyooday Senator Maxamed Cali Yuusuf oo loo yaqaanay (Gaagaab), kaas oo kamid ahaa xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay deegaannada maamul goboleedka Puntland. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in marxuumka uu maanta ku geeriyooday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo uu maalmahan u joogay xaalado caafimaad. Geerida Senatorka ayaa waxaa xaqiijiyayay xubno kamid ah ehelladiisa iyo mas’uuliyiin dowladeed oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid. Marxuumka ayaa horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamul goboleedka Puntland iyo sidoo kale wasiirka maaliyadda ee maamulkaasi. Sidoo kale waxa uu soo noqday guddoomiyihii KMG ah ee Golaha Aqalka, isaga oo hoggaamiyay golaha, kahor inta aan lasoo dooran guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, maadaama uu ahaa Senatorka ugu da’da weynaa xubnaha Golaha Aqalka Sare. Dhinaca kale guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeennada Aqalka Sare, hab-dhowraha, Senatorrada, Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare iyo dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan qoyska, ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf oo ku geeriyooday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. “Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab wuxuu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kaalin wanaagsan ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuu ahaa aqoonyahan, waddani, xilal kala duwan ka soo qabtay dalka ooy ka mid ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Wasiirka Maaliyadda Puntland, iyo haatan uu ahaa Sentor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri dhambaalka tacsida ah ee kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Guddoomiye Ku xigeennada Aqalka Sare, hab-dhowraha, Senatorrada, Xoghayaha Guud iyo dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare waxay Ilaahay SWT u waydiinayaan inuu jannadii fardowso ka waraabiyo marxuumka, qoyska, qaraabada iyo ehelada uu samir iyo iimaan ka siiyo. Share this post Link to post Share on other sites