Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Faransiiska oo qarka u saaran in ay dhacdo kadib markii mooshin laga keenay

Recommended Posts

Deeq A.   
6af4aef0-b0be-11ef-a2ca-e99d0c9a24e3-144

Xukuumadda Faransiiska ayaa aad loo saadaalinayaa in dhamaadka todobaadkan ay burburi doonto, kadib markii xisbiyada midigta fog iyo garabka bidix ay soo gudbiyeen mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Michel Barnier.

Hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee RN Marine Le Pen ayaa wariyaasha ugu sheegtay gudaha baarlamaanka, in dadka Faransiiska ay qaatiyaan taaganyihiin, isla markaana uu Ra’iisul wasaare Barnier uu xaaladda uga sii daray, loona baahanyahay in bannaanka loo tuuro.

Waxay sheegtay in ay diyaarineyso mowshan ka dhan ah xukuumadda. Xisbiga bidixda fog ayaa isna sheegay in uusan codka kalsoonida siin doonin xukumaadda Barnier iyo dowaldda Macron.
Isu geynta xildhibaannada axzaabka midigta iyo bidixda ee baaralamaanka ayaa ku filnaan doonto in ay ridaan xukuumadda Faransiiska. Codka kalsoonida ayaa lagu wadaa in la qaado Arbacada foodda nagu soo heysa.

Barnier oo xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay bishi September, ayaa noqon doona ra’iisul wasaarihi u horreeyay ee xakuumaddiisa lagu rido codka kalsoonida baarlamaanka tan iyo sannadki 1962-ki, haddii ay taasi ka dhabeeyaan xubnaha mucaaridka Faransiiska.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Faransiiska oo qarka u saaran in ay dhacdo kadib markii mooshin laga keenay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this