Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo qaabiley Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1733222576957.jpg?resize=720%2C46

Madaxweynaha xilka banaynaya ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Hargeysa ku qaabiley Safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Richard H. Riley iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Amb. Richard H. Riley waxaa socdaalka ku wehelinayey Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major General Brian Cashman, mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Maraykanka, sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu xubnaha wefdiga Maraykanka uga mahadceliyay iskaashiga iyo xiriirka wada shaqayneed ee Amniga geeska Afrika iyo dhinaca Militriga ee Somaliland iyo Maraykanka.

Kulankaa waxa Madaxweyne Muuse Biixi ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Ciise Keyd Maxamuud, Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Taliyeyaasha Ciidamada Militeriga iyo Sirdoonka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Mustafe Maxamed Xasan (Bacaluul).

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Somaliland oo qaabiley Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this