Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoys Somali ah oo ka kooban 6 qof ayaa u dhintay naqaska oo ku xirmay kadib markii ay ka hurdeen haan gaas oo guriga u dhextaalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Masar waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan kadib markii qoys Soomaali ah oo ka kooban 6 qof maydkooda laga helay xaafadda guri ay ka degganaayeen “madinet nasr” oo ku taala caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Meydadka qoyska ayaa loo qaaday mid kamid ah isbitaalada dowladda ee ku yaalla caasimadda iyadoo booliska ay markaasi sheegeen in baaritaan lagu sameeynayo sababta ay u dhinteen balse saaka ayay dhaqaatiirta isbitaalka ku dhawaaqeen sababta keentay dhimashada sida uu BBC-da xaqiijiyay mid ka mid ah ehelada qoyska waxa ayna ku sheegeen inay ku neefqabatimeen gaaska cuntada lagu karsado.

Qoyska dhintay oo ka koobnaa lix qof ayaa kala ahaa Aabe, gabar iyo wiil uu dhalay, iyo gabdha ninkeeda iyo laba carruur ah oo ay dhashay, waxaana la sheegay in sabtidii maydkooda laga helay guriga ay ka daganaayeen magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Inkasta oo haatan la ogaaday sababta ka danbaysa dhimashada qoyska balse wali maydkooda waxa uu ku jiraa qaboojiyeyaasha lagu hayo maydadka ee isbitaalka.

Mid kamid ah ehelka qoyska oo BBC-da uga warbixiyay dhacdada

Xasan Xirsi Xuseen oo kamid ah ehellada qoyskii ku dhintay dalka Masar ayaa BBC-da uga warbixiyay dhacdada waxa uuna sheegay in qoyska ay dhawaan ka kala yimaadeen dalal kala duwan.

“Qoyska qaar waxa ay ka yimaadeen Ingiriiska, kuwo kale waxa ay ka yimaadeen Turkiga sidoo kale qaar ayaa ka yimid Soomaaliya” ayuu yiri Xasan.

Waxa uu sheegay in walaalkiis uu caafimaad u soo aaday dalka Masar, sidaasna ay isku soo aruursadeen qoyska oo ka koobnaa 3 rag ah, laba caruur ah iyo hooyadood.

Xasan Xirsi ayaa sheegay in reerka ay ugu wardanbaysay khamiistii, maalin kadib oo uu xiriir la sameeyay ayay u suurtagali waysay oo ay u shaqayn waayeen taleefanadii iyo khadkii internetka ee reerka.

“Markii aan soo wacay Numberkooda lama qabanayo, internetkana waan ka waayay, albaabkii marka aan garaacnay lama furayo, sidaas ayaan ku jabinay albaabka oo aan reerkii oo mayd ah guriga ugu galnay,” ayuu raaciyay Xasan.

Xasan Xirsi Xuseen oo kamid ah ehellada qoyskii ku dhintay dalka Masar ayaa BBC-da uga warbixiyay dhacdada

Xigashada Sawirka,Xasan Xirsi Xuseen

Qoraalka sawirka,Xasan Xirsi Xuseen oo kamid ah ehellada qoyskii ku dhintay dalka Masar ayaa BBC-da uga warbixiyay dhacdada

Xasan Xirsi Xuseen ayaa sheegay kadib markii ay gudaha u galeen guriga oo ay arkeen maydka dhamaan qoyska ay ka argagaxeen lana xiriireen laamaha amniga si baaritaan loogu sameeyo sababta dhimashada.

“Markii aan albaabka jabinay waxaa na soo gaaray shaqaale ka tirsan safaaradda Soomaaliya, dhaqaatiir iyo saraakiil boolis ah”

Balse waxa uu tilmaamay in ay arkeen haanta gaaska oo furan taasna ay uga shakiyeen sababta.

“Baaritaankii hordhaca ahaa ee xalay waxa ay dhaqaatiirta inoo sheegeen in sababta ay tahay gaas, balse saaka ayay sheegeen in jawaabta ay soo saareen dadkaasna ay u dhinteen neefqabatin ka dhalatay gaaska,” ayuu yiri Xasan Xirsi.

Dhanka kale waxa aan la xiriirnay safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar si aan wax uga waydiino dhacdada naxdinta leh ee ka dhacday dalkaas.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar Ismaaciil Cabdi Xuseen oo BBC-da la hadlay ayaa ka warbixiyay dhacdada naxdinta leh ee qoyska Soomaaliyeed oo iskumar ku dhintay gurigooda waxa uuna yiri:

“Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar waa ay u gurmatay qoyska ku dhintay gurigooda waana musiibo aad looga naxo” ayuu yiri qunsul Ismaaciil.

Dhanka kale qunsulka ayaa sheegay in safaaradda ay qoyska ka caawinayeen helista jawaabaha isbitaalka iyo booliiska, ayna ehellada uga tacsiyeynayaan dhimashada naxdinta leh oo ku timid qoyska Soomaaliyeed.

Waxaa la filayaa in booliiska ay ehellada ku wareejiyaan meydadka si ay u aastaan.

Bbcsomali

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this