Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Faransiiska oo si rasmi ah Soomaaliya uga cafisay lacag dhan 145.6 Million oo dollar

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1733135170122.jpg?resize=720%2C53

Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta safaaradda Faransiiska ee maagaalada Nairobi ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska lagu cafinayay lacagaha deymaha ah ee lagu lahaa dowladda Soomaaliya Safiirka Faransiiska u qaabilsan Kenya iyo Soomaaliya Mr. Arnaud Suquet iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskani uu soo maray wada xaajood wajiyo badan, sidoo kalena daba socda go’aan kii ay gaareen horraantii sannadkan wadamada ku bahoobay Ururka Paris Club islamarkaana uu maanta suuro galiyay in dowladda Soomaaliya si rasmi ah looga saamaxay deyn dhan $145.6 Milyan oo Doolar, taas oo dowladda Faransiiska ay ka tirtirtay buugeeda deymaha.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ugu jirtaa dhameystirka hannaanka deyn cafinta oo soo gabagaboobay dabayaaqadii 2023-kii, Wasaaradda Maaliyadda XFS oo hormuud u ah wada-xaajoodka shaqsi shaqsiga ah ee dalalka deymaha leh ayaa hada rajo weyn ka qabta gaba gabeynta hannaanka lagu tirtirayo dhammaan deymaha lagu lee yahay Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Faransiiska, sida garashada leh ee ay u garab istaageen Dowladda Soomaaliya iyo saamaxaada lacagihii ay ku lahaayeed Dowladda.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Faransiiska oo si rasmi ah Soomaaliya uga cafisay lacag dhan 145.6 Million oo dollar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this