Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo hanjabaad adag u diray waddamada ku midoobay BRICS

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku hanjabay in uu canshuur 100% ah uu ku soo rogi doono sagaalka waddan oo ku midoobay urrurka BRICS, haddii ay soo saaraan lacag la tartami karta doolarka Mareykanka.

Waddamada quwadaha dunida ugu waaweyn ee Shiinaha iyo Ruushka ayaa qeyb ka ah isbaheysiga Brics, waxaana sidoo kale wehliya dalalka Brazil, India, Koonfur Afrika, Iran, Masar, Itobiya iyo Imaaraadka Carabta.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter, ayuu ku sheegay in fikradda wadamada BRICS ee ku mideysan magacaas ee isku dayaya inay ka guuraan lacagta doolarka ay wajihi doonaan canshuur 100%.

Intii lagu guda jiray doorashadii Mareykanka, Trump wuxuu u ololeeyay dhaqangelinta canshuur guud oo wax ka tari doona dhaqaalaha Mareykanka.

Hadalkan ugu dambeeya ee Trump ee ka dhanka ah Brics, ayaa ku soo aadaya iyadoo lagu wado inuu xafiiska la wareegi doona 20-ka bisha January 2025-ka.

Dalalka Brics waxay 45% ka yihiin bulshada caalamka. Marka la isku geeyo, dhaqaalaha dalalka xubnaha ka ah wuxuu u dhigmaa in ka badan $28.5tn (£22tn). Taasi waa qiyaastii 28% dhaqaalaha caalamka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this