Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo duqaymo la beegsaday Jabhadda qabsatay Xalab ee dagaalka kula jirta dowladda Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-asad, ayaa ku tilmaamay caawinta Iran iyo Ruushka inay “muhiim u tahay” dagaalka lagula jiro kooxda fallaagada ah ee duullaanka lama filaanka ah ku haysa waqooyiga Suuriya.

Ruushka ayaa sii wada duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah fariisimaha kooxda ee Xalab iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa kula kulmay madaxweyne Assad magaalada Dimishiq si uu ugu qanciyo taageerada iyo garab istaagga Iran, ka hor inta uusan u ambabixin dalka Turkiga oo ah dalka deriska la ah Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay inuu u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, Axadii in Ankara ay taageeri doonto tillaabooyinka “si loo yareeyo xiisadda” Suuriya.

Ciidamada Turkiga taabacsan ayaa siddeedii sano ee lasoo dhaafay maamulayay qeybo kamid ah waqooyiga Suuriya.

Ruushka ayaa shalay oo Axad ahayd “duqeymo isdaba joog ah oo cirka ah” ka fuliyay dalka Suuriya, xilli ay sii kordhayaan fallaagada kuwaas oo qabsaday magaalada Xalab, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska.

12 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday isbitaal ku yaalla Xalab, halka weerar kale oo ka dhacay gudaha magaalada Idlib ee waqooyi galbeed ay ku dhinteen siddeed qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen in ka badan 50 qof, sida ay hay’addu sheegtay.

Diyaaradaha dagaalka ayaa sidoo kale duqeeyay qeybo ka mid ah miyiga Idlib iyo Xama halkaas oo kooxda hogaamineysa weerarka fallaagada ah “ay dhawaan la wareegeen”, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya.

Dhanka kale dowladda Suuriya ayaa markii ugu horeysay waxaa gacanteeda ka baxday magaalada Xalab tan iyo markii uu dalkaasi ka bilowday dagaalka sokeeye, sida ay goobjoogayaasha u sheegeen wakaalada wararka ee AFP.

Duulaanka lama filaanka ah ee ay qaadeen xoogaga mucaaradka ah, oo billowday Arbacadii, ayaa astaan u ah dagaalladii ugu muhiimsanaa ee ka dhaca Suuriya sannadihii u dambeeyay.

Waxaa hogaaminayey kooxda Islaamiyiinta ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), iyo sidoo kale kooxaha xulafada la ah ee taageerada ka helaya Turkiga.

In ka badan 300 oo qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 20 rayid ah, ayaa ilaa hadda la dilay, sida ay sheegtay hay’adda.

Ruushka ayaa sabtidii duqeymihii ugu horreeyay waxa ay ka fuliyeen magaalada Xalab tan iyo sanadkii 2016, kadib markii ay gudaha u galeen mucaaradka, magaaladaas oo ah tan labaad ee ugu wayn Suuriya, sida ay sheegeen goobjoogayaasha.

Ciidamada cirka ee Ruushka ayaa kaalin mug leh ka qaatay in madaxweyne Bashaar Al-Asad uu xukunka sii hayo intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee ugu sarreeyay.

Indha indheeyayaasha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in shan duqeymo oo dhanka cirka ah ay aroornimadii Axada Ruushka ka geysatay xero qaxooti oo ku taal Idlib oo dhacda waqooyi galbeed Suuriya, magaaladaas oo ay ku badanyihiin kooxaha fallaagada ah.

Suuriya

Xigashada Sawirka,Reuters

Qoraalka sawirka,Koox mutadawaciin ah ayaa ku howlan gurmadka goobaha la duqeeyay

Dagaalyahannada mucaaradka ayaa ku dhawaad dhammaan magaalada kala wareegay dowladda Axadii, marka laga reebo reebo xaafadaha ay maamulaan xoogagga Kurdiyiinta, sida ay hay’adda u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Dhanka kale, fallaagada ayaa weerarro ku qaaday koonfurta waxa ayna riixeen ciidankii halkaas ku sugnaa iyaga oo galay dhowr magaalo oo baadiyaha ah una dhaw magaalada afraad ee ugu weyn Suuriya.

Wasaaradda difaaca ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidammadu ay xoojiyeen difaacooda gobolka, iyaga oo wata gantaallo iyo saanad millatari oo culus.

“Diyaaradaha dagaalka ee Suuriya iyo Ruushka” waxay xoojiyeen duqeymaha tooska ah ee ay ku beegsanayaan fariisimaha mucaaradka, iyagoo dilay kuna dhaawacay tobanaan kale, ayaa lagu yiri bayaan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamadeedu ay dib u qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo horay looga qabsaday ayna ka hor istaageen fallaagada in ay xoogaystaan.

Suuriya

Xigashada Sawirka,EPA-EFE/REX/Shutterstock

Qoraalka sawirka,Dagaalyahanada ka soo horjeeda Madaxweyne Bashaar Al-Asad ayaa qabsaday Xalab iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah Sabtidii, sida ay sheegeen goobjoogayaasha

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya ayaa ka digay in xaaladda oo ka dartaa ay keeni karto khatar aad u daran oo soo foodsaarta dadka rayidka ah waxa uu sidoo kale sheegay in tani ay saamayn ku yeelan karto nabadda iyo ammaanka caalamka.

Madaxweyne Assad oo sabtidii ka hadlay xaaladda ayaa wacad ku maray inuu difaaci doono xasiloonida Suuriya iyo wadajirka dhuleed, uuna ka hortagayo dhamaan kooxaha liddiga ku ah iyo taageerayaashooda.

Dagaalkaan sokeeye, oo galaaftay nolosha ku dhawaad nus milyan qof, ayaa billowday sannadkii 2011-kii ka dib markii xukuumadda Asad ay ka jawaabtay mudaaharaadyada dimuqraadiga ah iyadoona lagu eedeeyay in cadaadis daran ay dadka saartay.

Dagaalkii sokeeye ee xilligaas bilowday kadib waxaa dalkaas qaybo badan oo kamid ah ka huray dagaalo is dabajoog ah tan iyo markii lagu heshiiyay xabbad joojin sanadkii 2020, balse xoogagga mucaaradka ayaa gacanta ku hayay magaalada Idlib oo dhacda waqooyi galbeed dalkaas iyo in badan oo kamid ah gobolka.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this