Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Suuriya oo qabsaday magaalooyin istiraatiiji ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Mucaaradka hubaysan ee dagaalka kula jirta dowladda suuriya oo dhowaan qabsatay magaalada Xalab oo ah tan labaad ee ugu weyn dalkaas, ayay wararku sheegayaan inay gaareen magaalada kale  Xama oo ku taalla dhanka koonfureed.

Sidoo kale xogaha qaar ayaa tilmaamaya in dagaalyahannadu ay galeen magaalada alepo, taas oo ka dhigan inay isku ballaarinayaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, xilli ciidamada dowladdu ay isaga baxeen meelaha qaar.

Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo la hadlay dhiggiisa Imaaraatka, Maxamed Bin Zayid Al Nahyan iyo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Maxamed Al-Sudani, ayaa ka codsaday inay ka  taageeraan waxa uu ku tilmaamay argagixisada  duullaanka ku ah maamulkiisa.

Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay dadaal ay ku doonayaan in ay ku ballaariyaan goobaha nabdoon,ayna u oggolaadaan dadka rayidka ah ee ka barakacay gobolka Idlib in ay ku laabtaan guryahooda ku yaalla dhulalka dhawaan ay dowladda ka qabsadeen.

Maraykanku oo arrimahan ka hadlay ayaa sheegay in aanu wax lug ah ku lahayn weerarka fallaagada, balse waxa uu tilmaamay in ku tiirsanaanta al-Asad ee Ruushka iyo Iran ay sabab u tahay rabshadaha soo cusboonaaday.

Ruushka ayaa asna sheegay in militariga Suuriya ay 24-kii saac ee la soo dhaafay dileen  in ka badan 300 oo falaagada  kamid ah, ayagoo taageero xagga cirka ah ka helaya Ruushka, balse waxaa jira warar tilmaamaya in duqeymahaas ay dad badan oo rayid ahi ku naf waaayeen.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay si walaac leh u socan doonaan dhacdooyinka Suuriya, waxayna ka digeen dib u soo noqoshada kooxaha argagixisada ee dalkaas, Iran-na waxay xaqiijisay in weerar lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Xalab.

Si kastaba ha ahaatee weerarrada kooxaha hubaysan ee dalka Suuriya ayaa bishan aad u xoogaystay, waxayna ciidamada dowladda kala wareegeen dhul ballaaran oo magaalooyin Istiraatiiji ahi ay ku jiraan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this