Deeq A. Posted Sunday at 02:28 PM Ayadoo sanad walba dunida laga xuso 1-da bisha december oo ku astaysan maalinta caalamiga ah ee xanuunka HIV AIDS-ka ayaa munaasabado arrintaas ku saabsan lagu qabtay magaalooyin ay kamid tahay caasimadda Muqdisho. Masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay muhiimadda ka hortagga xanuunka HIV-ka ayaa sheegay in loo baahanyahay inaan la takoorin dadka qaba cudurkan, islamarkaana bulshada laga wacyi-geliyo inay si qaldan u fahmaan kuwa la nool AIDS-ka. Maalintan caalamiga ah oo la asteeyay sanadkii 1988-dii ayaa xuskeeda looga faa’iidaystaa wacyi-gelinta bulshada iyo baraarujinta siyaabaha looga hortagi karo xanuunka halista, islamarkaana loola dhaqmi karo dadka la nool. Cudurkan ayaa deegaanada Soomaalida ku soo badanaya, waxayna bahda caafimaadku ka digayaan in la fududaysto waxyaabaha uu ku faafo sida guurka aan baaritaanka caafimaad ka horrayn, wada isticmaalidda qalabka cidiyaha ama timaha lagu jarto sida sakiimaha, iyo taabashada dhiigga qof kale gacmo-gashi la’aan. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites